NAIROBI/MUQDISHO – Iyadoo ay jirto xaalad dhaqaale oo is-bedbedelaysa gobolka Geeska Afrika, labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa miisaaniyadood 2025/26 iftiiminaya farqiga u dhexeeya awoodda dhaqaale iyo istaraatiijiyadaha, iyadoo si gaar ah loo eegayo mudnaanta ay siiyaan adeegyada muhiimka ah oo ugu horeeyo amniga.
Amniga ayaa weli ah tiir muhiim ah oo miisaaniyadeed labadaba. Kenya ayaa u qoondaysay US$2.1 bilyan oo la xiriira hay’adaha amniga (4.9% GDP oo ah wax-soo-saarka Guud ee Qaranka, oo u dhiganta 10% miisaaniyadda guud), taasoo muujinaysa dadaalka sii socda ee lagu xoojinayo militariga iyo la-dagaallanka khatarta argagixisada.
Soomaaliya, inkastoo ay la daalaa-dhacayso xaddidaadda dhaqaale, aadna u yaryahay wax soo saarkeeda gudaha, ayaa amniga u qoondeysay US$123 milyan (17% miisaaniyadda guud, oo ka dhigan 0.9% GDP), taasoo ka tarjumaysa halista sii jirta ee Al-Shabaab iyo baahida degdegga ah ee hay’adaha amni ee dib-u-dhiska ku jira.
Labada dal ayaa sidoo kale xoogga saaray adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Kenya ayaa u qoondeysay US$4.1 bilyan (9.5% GDP) taasoo daboolaysa barnaamijyo kala duwan oo la xiriira waxbarasho, caafimaad, iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada.
Soomaaliya ayaa dhankeeda adeegyada bulshada ku bixisay US$250 milyan, oo u dhiganta 34% miisaaniyadda guud iyo 1.8% GDP. Inkastoo tirada ay yartahay marka loo eego Kenya, lacagta loo qoondeeyey adeegyada bulshada ayaa muujinaya sida muhiimka ay tahay horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee dalka.
Soomaaliya waxay ka faa’iidaysatay cafinta deyntii dibadda looga lahaa, taasoo u ogolaatay inay diiradda saarto kor u qaadidda dakhliga gudaha iyada oo adeegsanaysa dib-u-habeynka nidaamka canshuuraha, hagaajinta kormeerka dakhliga, iyo casriyeynta dakhliga aan canshuurta ahayn. Si kastaba ha ahaatee, deeqaha iyo deymaha fudud ayaa weli door muhiim ah ka ciyaara miisaaniyadda Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay falanqaynta uu sameeyay khabiirka maaliyadda Omer Salah Ade: “Xasilloonida maaliyadeed waa furaha badbaadada shacabka iyo ka hortagga khatarta sii kordheysa ee Geeska Afrika.”
Isbarbardhigga miisaaniyadaha Kenya iyo Soomaaliya ee 2025 wuxuu muujinayaa farqi weyn oo ku saabsan awoodda dhaqaale, balse wuxuu sidoo kale muujinayaa yoolal isku mid ah oo ku saleysan nabad, amni, iyo horumar waara.
Kenya waxay leedahay fursado maaliyadeed oo horumarsan iyo hal-abuur ah, halka Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah u xoojineyso hay’adaha dowladeed iyadoo ku tiirsan taageero dibadeed iyo kobcinta dakhliga gudaha.




