Wariyeyaasha oo laga hor istaagay inay soo tabiyaan qaraxyadii ka dhacay duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Hey’adaha amniga ayaa Saxaafada ka hor istaagay in ay soo tebiyaan qasaaraha ka dhashay qaraxyada lagu xiray suuqa Tabeelaha Sheekh Ibraahim iyo dabkii ka dhashay oo weli aan damintiisa lagu guuleysan.

 

Ciidamo iskugu jira Nisa iyo Booliiska ayaa wariyayaal wax duubayey ka tir tiray filimkii camerada ugu jiray, iyagoo ku wargeliyay in aysan waxba duubi karin ilaa laga nadiifinayo suuqa oo uu ka muuqdo baaxada burburka qaraxyadii lagu xiray ay u geysteen.

Suxufiyiin ka kala socda warbaahin dhowr ah ayaa weli ku sugan goobta inkastoo ay ilaali ka hayaan ciidanka diidan in ay wax duubaan.

Saxaafada ayaa qorsheheedu ahaa in ay soo tebiso xaalada meesha si loo helo aqbaar kadibna gurmad loogu fidiyo dadka ay dhibaatadu gaartay.

Mudo kooban gudaheed ayey AS qaraxyo ku xireen suuqyadii gacansi ee ugu waaweynaa Deegaanka Ceelasha biyaha iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here