GAROWE [SMN] – Puntland ayaa ku dhawaaqay Amar cusub oo lagu sheegay in degaanada Maamulka lagu dhaxwadan karin hubka sharci-darada ah, iyadoo cidii lagu arkana sharciga lala tiigsan doono.
Amarkan oo ay soo saartay Wasarada Amniga Puntland, ayaa lagu faray dhamaan dadka Ajaanibta ah kuwii hore u joogay iyo kuwa hada imaanaya laga doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay isku diiwan galiyaan.
Afhayeen u hadlay Wasarada Amniga Puntaland ayaa faafahin ka bixyay amarka kasoo baxay maamulka, isagoo xusay in ujeedka uu yahay in amniga lagu xaqiijiyo, loogana hortagaha khataraha ka imaan kara Al-Shabaab iyo Daacish oo hadda dagaal lagula jiro gobolka Bari.
Amarka kaso baxay Puntland ayaa imaanaya xilli malmihii ugu danbeeyay maamulku uu fuliyay howlgallo uu kula dagalamayo Daacishta ku sugan Buuraha Cal-Miskaad ee Gobolka Bari, kuwaasoo Ciidamada ay ka gaareen guulo, kadib markii ay la wareegeen saldhigyo muhiim ah.
Waxay Puntland sheegtay in xubnihii ugu badnaa ee Daacish looga dilay howlgalada socda, waxaana kamid ah dagaalyahano ajaanib ah oo dalalkooda uga so hayaamay inay ka dagaalamaan Soomaaliya.