MUQDISHO – War-saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinayso qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, oo si guul ah u dhacday 25-kii Diseembar 2025. Wasaaraddu waxay hambalyo u dirtay dhammaan xubnaha ku guuleystay Doorashada Golaha Deegaanka.





