Wasaaradda Waxbarashada oo billowday dib u habeynta jaamacaddaha dalka

0

MUQDISHO (SMN) –  Xukuumadda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada ayaa ku dhowaaqday in sanadkan uu noqon doono sanadka tayeynta tacliinta saree e dalka.

 

Wasiirka waxbarashada Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa shaaca ka qaaday go’aano cusub oo ku aadan isbeddallo lagu sameeyay waxbarashada heerka jaamacadda oo haatan dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay.

Go’aanadan ayaa daba socda shirkii qaran ee waxbarashada ee dhacay 13 illaa 17-kii Maarso, kadib soo jeedin ka timid aqoonyahanadii ka qayb-galay shirkaasi.

Ugu horreyn waxaa warbixintan lagu sheegay in haatan ay sii kordhiyaan tirada ardayda Soomaaliyeed ee kasoo gudbaya marxaladda dugsiga sare, waxayna wasaaraddu tilmaamtay in sanadkan ay soo qalijabiyeen illaa 50 kun oo arday ah.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in jaamacadaha dalka ay sanadkan kasoo baxeen ku dhowaad 25 kun oo arday ah.

Dhanka kale, wasaaradda ayaa shaacisay inay jiraan caqabado kale oo dabraya habsami u socodka sooyaalka waxbarasho ee heerka jaamaceed, loona baahan yahay in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo looga gubdayo dhibaatooyinkaasi.

Wasaaradda waxbarashada ayaa go’aamisay in laga bilaabo sanad dugsiyeedkan 2023, illaa 2024 laga rabo ardayda cusub inay maraan hal sano oo waxbarasho aas-aasi ah (Foundation Year).

Sanadka waxbarashada aas aasiga ah ayaa ka koobnaan doono laba Semester oo aan ku jiray muddada 4 sano ama ka badan waxbarashada heerka 1-aad ee jaamacadda.

Sidoo kale waxaa sanadkaas ardayda lagu bari doonaa afka Soomaaliga oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda, afka Carabiga aiyo Engilishka, ama luqadda uu ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed.

Waxaa kale oo kamid noqon doono maadooyinka la siinayo ardayda sanadka koowaad, daraasaadka Islaamka, gaar ahaan Fahamka Guud iyo Akhlaaqda Islaamka

Waxaa sidoo kale la soo kordhiyay maaddooyin aan horay looga dhigan Soomaaliya sida Xallinta khilaafaadka, xiriirka bulshada, hab fikirka naqdineed (Critical Thinging) oo lagu bari doono ardayda waxbarashada heerka 1-aad ee jaamacadda.

Ugu dambeyn wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare  waxa ay ballan qaaday in iyada oo kaashaneysa khuburada jaamacadaha inay gacan ka geysan doonto dhismaha saabka manhajka sanadka waxbarashada aas aasiga ah ee heerka jaamacadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here