Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo UNDP oo ka wada hadlay xoojinta dedaallada xasillinta dalka

0

Muqdisho — Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socotay Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), si looga wada hadlo dedaallada xasillinta ee ka socda dalka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista saameynta howlaha xasillinta, gaar ahaan meelaha ay khuseeyaan barnaamijyada taageeraya nabadda, soo kabashada iyo dhismaha dowladnimada.

Labada dhinac ayaa falanqeeyey sidii hawlaha xasillinta loo waafajin lahaa hortabinnada dowladda, iyadoo si gaar ah loo eegayo:

Deegaannada dhowaan dib loo xoreeyay Deegaannada nugul ee u baahan taageero degdeg ah iyo Habka loo hubinayo in barnaamijyada xasillintu maraan hannaan dowladeed oo isku dubbaridan,

Ujeeddadu waa in la xaqiijiyo in fulinta barnaamijyada ay noqdaan kuwo wadashaqeyn leh oo horseeda natiijooyin waara oo isku xiran.

Agaasimaha Guud, Cabdulqaadir Cilmi, ayaa adkeeyey doorka hoggaamineed ee Wasaaradda ee isku dubbaridka dedaallada xasillinta, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhisidda iskaashiyo taageera nabadda, horumarinta iyo dib u soo kabashada guud ahaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here