Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS ayaa Agaasimaha Guud, Mudane Abdulkadir Ali, ku hoggaamiyay kulanka Dano Bulsho, madal isku keenta dhinacyada amniga iyo xasilinta, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda howlaha ka socda deegaannada la xoreeyay iyo kuwa nugul.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee xafiiska Amniga Qaranka, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha amniga, wasaaradaha khuseeya iyo saaxiibbada caalamiga ah. Diiradda kulanka ayaa lagu saaray sidii howlaha amniga ay si dhow ula jaanqaadi lahaayeen dadaallada xasilinta iyo dib-u-soo kabashada, si loo helo natiijooyin waxtar leh oo ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada.
Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa si gaar ah loo falanqeeyay xaaladda Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan aagga Sabiid–Awdheegle, halkaas oo weli ka jiraan baahiyo degdeg ah. Waxaa la soo bandhigay taageerada la gaarsiiyay bulshada, oo ay ka mid yihiin gargaar degdeg ah, dib-u-dhis guryo burburay, barnaamijyo xoojinaya ka-qaybgalka bulshada iyo taageerada maamullada deegaanka.
Sidoo kale, wasaaradda ayaa fududeysay qiimeyn baahiyo oo lagu ogaanayo mudnaanta taagan, taas oo muujisay baahi degdeg ah oo ku saabsan dib-u-dhiska guryihii ay burburiyeen Al-Shabaab, iyadoo saaxiibbada qaarkood ay durba bilaabeen ka jawaabista arrintaas.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS waxay mar kale xaqiijisay doorkeeda hoggaamineed ee isku-duwidda dadaallada xasilinta, iyadoo ka shaqeyneysa hannaan dowladeed oo mideysan si wax looga qabto baahiyaha bulshada loona xoojiyo nabadda iyo dowlad-dhisidda dalka.






