Wasaaradda Awqaafta oo amar duldhigtay masaajidda dalka Soomaaliya

0

MUQDISHO — Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku wajahan dhammaan imaamyada iyo khadiibyada masaajidda dalka, iyada oo faraysa in khudbada Jimcaha ee maanta, 02/01/2026, looga hadlo ahmiyadda midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyo khatarta ay leedahay faragelinta Israa’iil.

 

Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankan uu yimid xilli ay jiraan xaalado siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, kuwaas oo u baahan in shacabka Soomaaliyeed lagu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay isku duubnida, is-fahamka iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda, imaamyada iyo khadiibyada masaajidda ayaa lagu boorriyay in khudbadahooda ay ku adkeeyaan baahida loo qabo midnimo qaran, ka fogaanshaha kala-qaybsanaanta, iyo ka hortagga faragelinta shisheeye ee wax u dhimaysa danaha iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa mar kale ku baaqday in culimada iyo hoggaamiyeyaasha diinta ay door muuqda ka qaataan wacyigelinta bulshada, iyaga oo adeegsanaya masaajidda sidii meel lagu xoojinayo nabadda, wadajirka iyo difaaca qiyamka ummadda Soomaaliyeed.

May be an image of ‎text that says "‎Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Wasaaradda Awqaafta & Arr. Istaamka القيذراليه اليه الفيذر الصومال رية جمهو مية الإسلا والشؤون الأوقاف وزارة The Federal Republic of Somalia Ministry of Endowments & Islamic Affairs WARGELIN/OGEYSIIS Wasaaradda Awqaaafta Arrimaha Islaamka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxey ku wargelineysaa islamarkaasna ay faraysaa dhamaan imaamyada iyo khadiibyada Masaajidda Dalka in khudbada Jimcaha ee maalinta berri ah 02/01/2026 looga hadlo Ahmiyadda Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed Khatarta ay leedahay Faragelinta Yuhuudda. iyo Sidaas daraadeed, waxaa la farayaa dhamaan khadiibyada masaajidda Dalka inay howshaas sida ay tahay ay fuliyaan maalinta berri ah. Mahadsanidiin.‎"‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here