Wasaaradda Dekedaha oo soo dhaweysay ansixinta Is afgaradka Maamullada Dekedaha ee Gobolka Badweynta Hindiya

0

Muqdisho Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta meel-mariyey Is-afgaradka ka dhexeeya Maamullada Dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya.

 

Is-afgaradkani wuxuu xoojinayaa iskaashiga iyo xog-wadaagga dalalka gobolka, wuxuuna gacan ka geysanayaa hubinta badbaadada, ilaalinta deegaanka, iyo kordhinta kalsoonida dekedaha.

Waxaa naga go’an hirgelinta shuruucda iyo siyaasadaha muhiimka u ah danaha qaranka, si loo helo deegaan ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, loona xaqiijiyo horumar waara oo ka faa’iideeya shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.

May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here