Muqdisho — Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal culus oo xalay ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kumaandooska Danab ay xalay qaadeen hawlgal gaar ah oo si qorsheysan loogu beegsaday Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa goobo ku yaalla degmada Jilib.
Wasaaraddu waxay sheegtay in hawlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood oo katirsan Al-Shabaab, halka 8 kale gacanta lagu dhigay, kadib howlgallo si xeeladeysan loo fuliyay xilli habeen ah.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in hawlgalku uu muujinayo kororka awoodda hawlgaleed ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan adeegsiga gaadiidka cirka, taas oo fududeysay in la ballaariyo hawlgallada, laguna gaaro cadowga meel kasta iyo waqti kasta.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mar kale adkaysay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, ilaa laga ciribtiro guud ahaan kooxaha khatarta ku ah amniga, xasilloonida iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.





