Muqdisho – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Sheekh Abuukar Maxamed Xasan, ayaa maanta faahfaahin ka bixiyay xaaladda amniga dalka iyo howlgallada socda ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.
Sheekh Abuukar ayaa hadal kulul ku weeraray kooxda Al-Shabaab, isagoo ku tilmaamay inay si la mid ah Yuhuudda uga dambeyso dhibaatooyin joogto ah oo loo geysto shacabka aan waxba galabsan. Wuxuu yiri: “Al-Shabaab iyo Yuhuudda gumaadka ka wada Qaza waa laba koox oo isku mid ah, labaduba waxay si naxariis darro ah u laayaan shacab aan wax galabsan.”
Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta ay Ahlusunna Waljamaaca ku leeyihiin dagaalka lagula jiro kooxaha amni-darrada faafinaya, isagoo sheegay in Ahlusunna ay yihiin difaac u taagan diinta iyo dalka.
Wuxuu tusaale u soo qaatay Xamaas, oo uu ku tilmaamay inay u dagaallamayso sidii ay u badbaadin lahayd shacabka Qaza. Isagoo arintaas sharaxaya ayuu yiri: “Ahlusunna Waljamaaca waa Xamaas Soomaaliyeed — waa garab Islaami ah oo difaacaya dadkooda iyo diintooda.”
Sheekh Abuukar wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada qalabka sida, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaataan sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, si loo gaaro nabad waarta iyo horumar dhab ah.
Hadalka afhayeenka ayaa ku soo beegmaya iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo ballaaran oo lagula dagaallamayo Al-Shabaab, si loo xoreeyo deegannada ay kooxdaasi wali ka joogto qeybo ka mid ah dalka.



