MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan howlgalka cusub ee AUSSOM. Wasaaradda u mahadcelisay Gudiga isku xirka howlgalka, iyadoo dowladda ay qaadatay doorka hogaamoneed ee AUSSOM.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si cad u shaacisay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegtay hoggaaminta iyo qaab dhismeedka howlgalka cusub ee AUSSOM. Waxaa la caddeeyey in howlgalka cusub uu muhiim u yahay geeddi socodka nabadda iyo amniga dalka, isla markaana ay Soomaaliya noqon doonto hoggaamiye buuxa oo hawsha maamulka iyo fulinta ku saabsan.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in uu si dhow ula shaqeyn doono dhammaan dalalka ay ka socdaan ciidamada AUSSOM. Waxa uu Midowga Afrika ku ballan-qaaday in wada-hawlgalayaasha ay ka socdaan ciidamada ka qeyb gelaya howlgalka ay dowladda Federaalka u xaqiijiyeen taageeradooda geeddi socodka nabadda ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay mahadnaq ballaaran iyada oo bogaadisay naf-hurnimadii ay Ciidamada Midowga Afrika u muujiyeen, gaar ahaan howlgalladii AMISOM iyo ATMIS oo dalka ka howlgelaayey 17-kii sano ee la soo dhaafay.
Soomaaliya waxay ku amaantay ciidamada Midowga Afrika doorkooda muhiimka ah ee ay ku lahaayeen xasilinta amniga iyo ka hortagga halista argagixisada ee dalka.
Soomaaliya waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan bulshada caalamka inay sii wadaan taageerada iyo ka qeyb qaadashada geeddi socodka nabadda iyo horumarinta dalka, iyadoo la xusay in hawlgallada AUSSOM ay horseedi doonaan nabad iyo xasilooni waarta.