Wasaaradda Maaliyadda oo bilowday jaangooynta Miisaaniyadda DFS ee 2025

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u biloowday jaangooynta Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka, iyada oo maanta lagu bilaabay ka wadahadalka qoondada ay yeelan doonaan labada Wasaaradood ee kala ah  Gaashaandhigga iyo Amniga oo ay wehlinayaan Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliyeed.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa shir gudoomiyay kulanka diyaarinta qoondada Miisaaniyadda ee labada Wasaaradood ay ku soo bandhigayeen qoondadooda sanad laha ah ee 2025-ka, iyada oo hey’adaha Dowladda mid mid loola fariisan doono inta uu socdo kulankan oo ah hal toddobaad.

Miisaaniyadda cusub ee Dowladda ee 2025-ka waxa ay noqondoontaa mid lagu dhisayo talada dadwaynaha iyo hey’adaha Dowladda, taas oo ah tilaabo markii ugu horreysay la qaaday kahor diyaarinta Miisaaniyadda oo la hordhigay Bulshada Soomaaliyeed ee Cashuur bixiyeyaasha ah habka ay doonayaan in Dowladdu u diyaariso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here