Wasaaradda Qorsheynta iyo SoDMA oo Muqdisho ku yeeshay kulan lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha

0

MUQDISHO, 3 Disembar 2025 — Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo kaashanaysa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan miro-dhal ah oo lagu xoojinayo gurmadka degdegga ah ee abaaraha ka jira qeybo badan oo dalka ah.

 

Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo agaasimayaal sare oo labada hay’adood ka tirsan.

Mas’uuliyiinta ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo dedejin lahaa taageerada loo fidinayo bulshada ay abaartu ku dhufatay, iyadoo la isku afgartay in la mideeyo dadaallada hay’adaha dowladda ee gurmadka.

Intii uu socday shirka, waxaa lagu falanqeeyay sababaha dhaliyay abaarta daba-dheeraatay, gaar ahaan roobabkii Gu’ga iyo Dayrta oo sanadkan ka da’in inta badan gobollada dalka, taas oo keentay biyo-yari iyo xaalado adag oo nololeed.

Kulanka maanta ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhaqan-gelinayo go’aankii Golaha Wasiirrada uu hore u ansixiyay, kaas oo farayay hay’adaha dowladda in ay kordhiyaan gurmadka degdegga ah iyo ka jawaabista musiibooyinka ka dhashay xaaladaha isbeddelka cimilada ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here