Wasaradda Awqaafta XFS oo shaacisey Jaangoynta sicirka xajka ee sanadkaan

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay qoraal ku saabsan  qiimaha ay ku xajin doonaan xujeyda Soomaaliyeed ee sankaan 2024.

 

Qoraalkaan oo ku socday Shirkadaha fuliya adeegga xajka ayaa lagu wargaliyay in qiimaha xajka ee sanadkaan uu noqon doono 4430 doolarka Mareykanka.

Qoraalkaan ayaa soo baxay kadib markii guddi khuburro ah oo loo xilsaarat arrimaha xajka ay muddo laba bilood ah ku soo diyaariyeen qiimaha suurtagalka ah ee ku bixi kara xujeyda Soomaaliyeed ee doonaya in ay u safraan Dalka Sacuudu carabiya si ay u soo gutaan cibaada xajka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here