MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa xalay hogaamiyey shir muhiim ah oo looga hadlaayey istaraatiijiyadda Wasaaradda ee Qorshaha Isbeddelka Qaran ee sanadka 2025-2029.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dejinta mudnaanta ku saleysan dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee waajibaadka Wasaaradda, oo ay ku jiraan siyaasadda arrimaha dibadda, diblomaasiyadda, iskaashiga caalamiga, adeegyada qunsuliyadda, iyo matalaadda Soomaaliya ee fagaaraha caalamiga ah.
Aragtidan istiraatiijiyadeed waxay ujeeddadeedu tahay in la xoojiyo kaalinta Soomaaliya ee caalamka iyadoo la waafajinayo dadaallada Wasaaradda ee lagu gaarayo yoolalka qaranka sida horumar waara, amni, iyo xoojinta iskaashiyada caalamiga.
Shirka wuxuu muujinayaa sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay taageeridda NTP iyada oo horumarinaysa siyaasado iyo hindisayaal u taagan danaha iyo himilooyinka Soomaaliya ee heer caalami.