MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo kulan isugu yimi ayaa kawada hadlay halka uu marayo qorshaha Horumarinta Ciidanka Boliiska oo wax kabadal lagu sameeyey mudadii koobna ee Taliyuhu Xafiiska joogay.
Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa Taliyaha ku bogaadiyey dedaalada horumarineed ee uu la yimi, waxaana uu si gaar ah u soo dhaweeyey Qorshaha Istaraatiijiyadda Boliiska 2024-2028 oo la diyaariyey.