MUQDISHO [SMN] – Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Maclin Fiqi ayaa ka falceliyay hadalkii Madaxwayne hore Sheekh Shariif ee ahaa in aysan dhigayn Hubka ay Muqdiaho ku dhex wataaan iyo in aysan dhacayn Doorasho qof Iyo Cod oo an raali lagu ahayn.
Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday Siyaasyiinta Mucaaradka ku ah DFS, isagoo sidoo kale dul-istaagay suurtagalnimada in Muqdisho ay ka caaganaato Mus’uul wata Hub Culus iyo Askar badan oo ilaalinaysa.
Qormo uu Wasiir Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku cadeeyay in Muqdisho ay tahay mid amnigeeda lagu kalsoonyahay, islamarkaaana Shacabkeeda ay dareemayaan amaan iyo Dowladdanimo.
Wasiir Fiqi oo amniga Muqdisho ka hadlayay ayaa yiri: “Caasimadda Muqdisho iyo umadda ku dhaqanba waxay dareemayaan nabadgalyo iyo dibudhis ballaaran, waxaana sabab u ah Kooxda al shabaab oo lala dagaalamay iyo hubkii sharcidarrada ahaa oo la xakameeyey!
La-yaab weyn ayay nooqnaysaa ayuu yiri Wasiir haddii siyaasiyiintii qaarkood ay afkii hogaamiye kooxeedyada oo kale ku hadlaan ayagoo sii raba in hubka sharcidarrada ah ee umadda lagu dhibaateeyo inuu sidiisii sii ahaado, qiilna u raadinaya arrintaasi Waxaaana uu cadeeyay in Amniga muqdisho uu yahay boqol boqol mid lagu kalsoonaan karo oo an xiligan Muqdisho dhexdeeda looga baahneen in Hub Culus lagu dhex Sito Caasimadda.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Doorasho iyo dastuur ayaan ku ogeyn maalmahaanka hadalkooda, haddana ma hubkii sharcidarrada ahaaba! Tani mid soconaysa ma ahan ayuu yiri wasiirka oo dawladda iyo dadkuba ay yeelayaan.!
Hadalka Wasiirka Wasaaradda arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku soo aadaya iyadoo Mucaaradka Dowkadda ay sheegeen in aysan dhigi doonin Hubkan ay Muqdisho ku wataan taasi oo ka dhigan in Mucaaaradka ay dareemayaan Cabsi amni maadaama laga cabsi qabo in ay dhacdo in Muqdisho ay taaba gasho dhisadda kooxo lagu biritaaro Dowladdan sidii dhacday dowladdii hore.