MUQDISHO – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa si cad u beeniyay warar sheegaya in la hakiyay lacagaha loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee ka socda gudaha dalka.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay maanta magaalada Muqdisho, kadib markii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre uu shalay shir jaraa’id ku sheegay in dowladaha deeqbixiyaasha ay dib ula laabteen nus milyan dollar oo ahayd maalgelintii mashaariic horumarineed ee Soomaaliya.
Biixi Iimaan Cige ayaa tilmaamay in dhammaan mashaariicda ay ku socdaan sidii loogu talagalay, ayna jiraan xisaab-xir iyo dabagal joogto ah oo lagu hubinayo hufnaanta iyo daahfurnaanta isticmaalka hantida dadweynaha.
“Ma jiraan wax lacag ah oo la hakiyay, mana jirto mashruuc horumarineed oo istaagay. Dowladda Federaalka waxay si buuxda uga go’an tahay in la hirgeliyo mashaariicda horumarineed ee dalka, iyadoo lala kaashanayo saaxiibada caalamiga ah,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay siyaasiyiinta in aysan shacabka ku khaldin warar aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo xusay in mas’uuliyad laga rabo qof kasta oo xil hore soo qabtay.



