MUQDISHO, Soomaaliya, November 25, 2025 – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mashruuc cusub oo lagu magacaabo Somalia Productive, Resilient, and Inclusive Growth (SPRING), kaas oo maalgelinaya Bangiga Adduunka, isla markaana ku kacaya $105 milyan, si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo abuurista fursado shaqo.
Mashruuca SPRING, oo dhaqan-galay 6-dii Agoosto 2025, ayaa ujeedkiisu yahay in wax laga qabto caqabadaha hortaagan horumarka dhaqaale, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta ganacsiga deegaanka, xoojinta nidaamka maaliyadeed, iyo fududeynta helitaanka maalgelinta ee ganacsiyada Soomaaliyeed.
Mashruuca waxaa hoggaaminaya Wasaaradda Maaliyadda iyada oo loo marayo Qaybta Hirgelinta Mashruuca (PIU), iyadoo lala kaashanayo hay’adaha muhiimka u ah dib-u-habeynta dhaqaalaha, sida Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo dib-u-habeyn ku sameynaya nidaamka maaliyadeed, Xarunta Warbixinnada Maaliyadda (FRC) oo xoojinaysa nidaamka ka-hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada (AML/CFT), Barnaamijka Gargaara oo horumarinaya maalgelinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe (MSMEs), hay’adda NIRA oo hirgelinaysa Aqoonsiga Dijitaalka ah ee Qaranka, iyo Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha oo tayeynaysa nidaamyada diiwaangelinta ganacsiga.
Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in horumarka dhaqaale ee Soomaaliya uu ku xiran yahay abuurista deegaan ganacsi oo kobcinaya fursadaha, nidaam maaliyadeed oo hufan, iyo helitaanka kheyraadka lagama maarmaanka u ah ganacsatada iyo hal-abuurayaasha. Mashruuca SPRING wuxuu si cad u taageerayaa himilooyinkan, isaga oo bixinaya adeegyo iyo dib-u-habeyn dhisaya mustaqbal dhaqaale oo xooggan, hufan, una furan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.




