Wasiir Biixi oo la kulmay madax ka socotay UK, Norway iyo Netherlands

0

NAIROBI (SMN) –  Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa waxa uu halkaas kulamo gaar ah kula yeeshay madax ka socotay Dowladaha UK, Norway iyo Netherlands.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa si gaar ah ula kulmay Wasiirada Horumarinta Dowladaha UK iyo Norway, Mr. Andrew Mitchell Uk, Mrs. Bjørg Sandkjær Norway. Waxa ay wada hadalkooda diiradda ku saareen mudnaanta dhaqaale ee Soomaaliya deyn cafinta kadib iyo taageerada horumarinta Maaliyadda.

Sidoo kale, Mudane Wasiir Biixi ayaa la kulmay Ergayga gaarka ah ee Bariga Afrika u qaabilsan Dowladda Netherlands Mrs. Sanne Loewenhardt oo ka mid aheyd ka soo qayb galayaasha shirka Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay dhammaan dowladihii madaxdooda uu la kulmay, qaabka wanagaasan ee ay uga soo qeyb qaateen geedi socodkii hannaanka isbaddalka Maaliyadda Soomaaliya oo soo maray waddooyin kala duwanaa oo howl badan laga soo qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here