Wasiir Biixi oo war cusub kasoo saaray canshuurta ay soo rogtay DF Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo maanta ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdiso ayaa ka hadlay arrimo ku aadan canshuurta ay wasaaraddu kusoo rogtay lacagaha taleefanada la’isugu diro.

 

Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in canshuurtan aysan cusbeyn, isla markaana horay loo uruurin jiray, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray haddii la qaado canshuurtan oo ay hirgasho in wax looga qaban doono amniga dalka iyo dhismaha waddooyinka muhiimka ah.

”Canshuurta iibka ma’ahan mid cusub horey ayaa loo uruurin jirey, inta aan joogney hal dollar dadka kuma kordhinin, waxaa lagu qabanaya in Amniga dalka wax wayn looga bedelo” ayuu yiri wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here