WAAJID, Soomaaliya — Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay iskuul taariikhi ah oo ku yaalla degmada Waajid, kaas oo arday danyar ah si lacag la’aan ah ugu helaan waxbarasho tayo leh.
Iskuulkan, oo la dhisay sannadkii 1945, ayaa ka mid ah dugsiyada ugu faca weyn gobolka Bakool, waxaana uu soo saaray aqoonyahanno iyo masuuliyiin muhiim ah oo door muuqda ku lahaa u adeegista Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiirka waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay macallimiinta, maamulka iyo ardayda dugsiga, kuwaas oo uga mahadceliyay tabarucaadka uu Wasiir Jaamac ku deeqay mushaarka 20-ka macalin ee halkaas ka shaqeeya, si loo hubiyo in ardayda danyarta ah ay si joogto ah u helaan waxbarasho bilaash ah.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero waxbarashada danyarta, isagoo ku boorriyay bulshada iyo hay’adaha dowladda in ay ka qeyb qaataan horumarinta dugsiyada si loo helo jiil aqoon leh oo mustaqbalka dalka wax ku biirin kara.



