Wasiir cadaaladda oo war cusub kasoo saaray weerarkii Xabsiga Dhexe

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, Xasan Macallin oo la hadlay warbaahinta ayaa war cusub kasoo saaray weerarkii dhowaan ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

 

Xasan Macallin ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay wadaan baaris dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaas oo dhalisay shaki xoogan iyo hadal heyn aad u wayn.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay gacanta ku hayaan shaqsiyaad lagu tuhamayo inay ka dambeebeeyeen fududeynta weerarkaas oo dhaliyay khasaare kala duwan, wuxuuna intaasi kusii daray in sharciga la horgeyn doono, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah.

Weerarka oo ahaa mid toos ah ayaa waxaa gaystay 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana horay loogu xukumo dil toogasho, kuwaas oo isla goobta lagu khaarijiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here