MUQDISHO [SMN] – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Xoosh ayaa ka hadlay qorshaha doorashadda qof iyo cod ee Madaxweyne Xasan Sheekh, taasoo wajahayso mucaarado xoogan oo dhanka Maamul Goboleedyada qaar iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Isagoo ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayuu Wasiir Cali Xoosh ku sheegay in Madaxweynaha Xasan Sheekh uu u baahan yahay waqti ku filan in la siiyo si uu u qabto doorasho dadweyne, taasoo ka tarjumeysa suurta-galnimada mudo-korarsi ay sameyso dowladda.
Wuxuu Cali Xoosh tusaale usoo qaatey Madaxda Malaysia iyo Turkiga oo uu sheegay inay heleen fursad fiican oo horumar ku gaarsiiyeen dalalkooda, sidaas darteed loo baahan yahay in mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya la siiyo waqti ku filan oo doorashada qof iyo codka ku hirgelin karaa.
Soomaaliya ayaan ka dhicin doorasho qod iyo cod ah mudo ka badan 50 sano, iyadoo tan iyo 2000 lagu soo dooranayay Madaxda iyo Xildhibaan nidaamka awood-qeybsiga qabiilka ku salaysan, kaasoo aad loo dhaliilay hufnaantiisa iyo madax-banaanidiisa.
Mucaaradka ay hogaamiyaan Madaxweyniyaashii hore Sheekh Shariif iyo Farmaajo ayaa diiday nidaamka doorashadda Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay sheegeen inuu hal dhinac yahay, oo aan lagu wada-qanacsanayn.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa laga diiday mudo-korarsi labo sano ah, si doorasho qof iyo cod ah u qabto, waxaana xiligaas mucaaradka kasoo horjeeday kamid ahaa Madaxweynaha haatan xafiiska jooga, Xasan Sheekh.