GARBAHAAREY (SMN) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo haatan ku sugan gobolka Gedo ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka.
Fartaag ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, wuxuuna ku eedeeyay in uu ka horyimid heshiisyo uu horay u saxiixay, kadib markii uu ka waayay maslaxadiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu eed tan lamid ah u jeediyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo sheegay in uu diidan yahay in doorashooyin qof iyo cod ah ah ka dhacaan dalka, balse uu isagu Garoowe ka qabtay doorasho gole deegaan oo uu dhiig ku daatay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ay si weyn uga biyo diideen qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorasho qof iyo cod ah.