XARARDHEERE (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo socdaal shaqo kujooga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa booqday taliska Gorgor ee ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed isaga oo gaarsiiyay farriimo kala duwan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ciidamada gaarsiiyay farriimo uu ka siday hoggaanka dalka gaar ahaan madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, waxaa uu sidoo kale ka dhageystay diyaargarowgooda la xiriira sidii Mudug looga xoreyn lahaa Al-Shabaab.
Sidoo kale Axmed Macallim Fiqi wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa kala hadlay xaaladda iyo sida hoggaanka dowladda heerkeeda kala duwan uga go’an tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa u bogaadiyay howlaha naf hurnimada ah ee ay qaranka u hayaan isaga oo carabka ku adkeeyay in ay garab taagan yihiin oo ay dhirrigelinayaan ciidamada huwanta