Wasiir Fiqi oo ka qayb-galay furitaanka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa ka qayb galay munaasabadda furitaanka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, oo ay goobjoog ka ahaayeen safiirada Jaamacadda Carabta u fadhiya Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

 

Wasiir Fiqi ayaa u mahadceliyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi oo ah madaxa wakiilada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya dadaalka uu ku bixiyay furitaanka golaha, taasi oo gacan ka geysaneysa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya  safaaradaha Carabta ee dalkeena.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay sida ay muhiimka u tahay midnimada Jaamacadda Carabta, ahmiyadda ay u leeyahay Soomaaliya iyo go’aankii ugu dambeeyay ee ay ka qaateen damaca guracan ee Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here