Wasiir Fiqi oo Kormeeray Bandhig Tababar oo ay Sameeyeen Cutubyada Kumaandooska Gorgor

0

MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kormeer ku soo maray bandhig ay sameeyeen cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Bandhigan ayaa lagu soo gabagabeeyay tababar muhiim ah oo ay ku qaadanayeen Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiir Fiqi ayaa ciidanka Gorgor u hambalyeeyay dadaalkooda iyo heerka sare ee ay gaareen, isagoo si gaar ah u ammaanay u diyaargarowgooda difaaca dalka iyo la-dagaallanka Al-Shabaab, kooxaha argagixisada ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

“Ciidanka Gorgor waa tusaale cad oo muujinaya heerka xirfadeed ee ciidamada Soomaaliyeed. Tababarkooda iyo diyaar garowgooda waxay ka dhigan yihiin in ciidamada Xoogga Dalka ay si buuxda uga go’an tahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo difaaca qaranka,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Tababarka ay soo gabagabeeyeen ciidamada Gorgor ayaa diiradda lagu saaray xirfadaha sare ee dagaalka, maareynta xaaladaha adag, iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada. Ciidamadan ayaa la filayaa inay ka qeyb qaataan hawlgallo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka ay si joogto ah u sii wadi doonto taageerada iyo xoojinta ciidamada dalka, si ay uga hortagaan dhammaan khataraha amni ee soo wajaha Soomaaliya.

Dhismaha iyo kororka awoodda ciidamada Soomaaliyeed ayaa noqonaya mid ka mid ah mudnaanta ugu weyn ee xukuumadda, iyada oo loo arko in ciidanka la-taageerayo ay yihiin awoodda ugu weyn ee lagu cirib-tiri karo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee amniga ku dhaawacaya dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here