GAROOWE (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland, Mudane Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo u warramay Warfidiyeenka ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.
Juxa ayaa marka hore beeniyay in madaxtooyada ay waddo boob doorasho oo ku aadan xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday doodda ka taagan guddiga xallinta khilaafaadka ee uu maalmo kahor magacaabay madaxweyne Saciid Deni, kaas oo ay kalsooni darro ka muujinayaan xubnaha mucaaradka ah ee ka qayb-galaya doorashada.
Wasiirka ayaa sheegay in guddiga uu yahay dhex-dhexaad, ayna ku jiraan rag odayaal ah oo lagu aaminay inay xalliyaan khilaafaadka kasoo laabta xulista xildhibaabada cusub.
Puntland ayaa waxaa weli ka taagan muran doorasho oo u dhexeeyo madaxweynaha iyo musharixiinta mucaaradka, sidaas oo ay tahayna waxaa lagu sii dhawaanayaa xilliga doorashada oo ah siddeeda bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2024-ka.