GAROOWE (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha doorashada.
Juxa ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay tallaabadii ay qaadeen xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland oo Khamiistii ku darsaday hal sano oo dheeraad ah.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay baarlamaanka inuu sameeyay arrin aan laga fileyn, isla markaana uu ka horyimid hanaanka lagu wajahayo doorashada.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan jawaab laga sugayo bahda garsoorka, gaar ahaan maxkamadaha oo uu tilmaamay inay caddeyn doonaan waxa laga yeelayo tallaabada baarlamaanka.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan waji cusub ay yeelatay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, kadib markii hal sano oo muddo kordhin ah ay sameysteen Golaha Wakiilada oo sidoo kale sheegay in iyagu ay soo dooran doonaan madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa.