Wasiir ka tirsan maamul goboleedka Galmudug oo is casilay + Sababta

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiiru dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cumar Shido ayaa maanta shaaciyay inuu is casilay, isaga oo warqadda is casilaaddiisa u gudbiyay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)

 

Cumar Shido oo qoraal dheer soo saaray ayaa sheegay in arrimo isaga u gaar ah dartood uu isaga casilay xilkii uu ka hayay Galmudug.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 19 August 2024 halkaan ku soo gudbinayaa warqada Is Casilaadeyda xilka Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Galamudug oo aan hayay mudadii ay dhisneyd Xukuumada Madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor. anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay Shacabka Reer Galmudug, isla markaana ilaaliyey mas’uuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen”

Go”aanka is Casilaadeyda oo aan hab qoraal ah ugu gudbiyay madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxa uu ku saleysan yahay arrimo aniga ii qaas ah. Waxaana uga mahadcelinayaa Kaabaheygii hore fursada uu ii siiyay inaan u adeego shacabka Galmudug, waxaana ugu adeegi doonaa reer Galmudug aniga oo xil haya ama aan heynin.

Sidaas owgeed, waxaan mar kale cadeynayaa in aan Iska Casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada.

Ugu dambeyn, waxaan u rajeynayaa bulshada reer Galmudug in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida dhexdooda ah, ayna ka baaqsadaan dagaalada dhiigu ku daatay ee u dhaxeeya beelaha walaalaha ah.

Wabillaahi Towfiiq
Cumar Shido.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here