Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Birmingham

0

Birmingham – Magaalada Birmingham, oo ah caasimadda labaad ee Boqortooyada Midowday (UK), ayaa maanta lagu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo safar rasmi ah ku jooga dalka.

 

Munaasabadan soo dhaweynta ah oo ay ka qaybgaleen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham ayaa ahayd mid weyn oo si diirran loogu soo dhaweeyay wafdiga, halkaas oo Mudane Al-Cadaala uu jaaliyadda la wadaagay warbixin ku saabsan arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin.

Horumarka laga gaaray geeddi-socodka dowlad-dhiska ee Soomaaliya;Guulaha laga sameeyay difaaca midnimada iyo xoreynta gobollada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta,Hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka socda;Guulo kale oo ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa sidoo kale jaaliyadda ku bogaadiyey doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan taageerada dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ku boorriyay inay sii xoojiyaan garab istaagga halganka difaaca midnimada, qaranimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Al-Cadaala ayaa sidoo kale ka hadlayay muhiimadda ay leedahay in jaaliyaddu ay si mideysan uga soo horjeesato xadgudubyada lagu beegsanayo midnimada iyo karaamada ummadaha Muslimiinta, isaga oo ku adkeeyay in taageerada bulshada rayidka ah ay door muhiim ah ka ciyaari karto horumarka dalka.

May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here