Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta oo gudoomiyay Shirka ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamed Aadan ayaa guddoomiyay kulan horudhac u ahaa Aas-aasida Ururka Qiimaynta Soomaaliya (SOMES)- Somalia Evaluation Society).

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ururkan u leeyahay sare u qaadista hufnaanta qorshaynta qaranka, qiimaynta barnaamijyada dowladdu fuliso iyo hubinta in siyaasadaha iyo mashaariicda horumarineed ee mustaqbalka lagu saleeyo xog iyo qiimayn lagu kalsoonaan karo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta XFS ayaa muujiyay sida Wasaaraddu uga go’an tahay taageerida iyo taabbogelinta ururkan oo uu ku tilmaamay madal muhiim u ah dowladnimada, isla xisaabtanka iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here