Wasiir Maxamed Cabdullaahi oo kulamo ka wada dalka Canada + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi oo howlo shaqo u jooga dalka Canada ayaa kulamo miro dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Waddankaas.

 

“Waxaan kulamo miradhal ah la yeelanay madax kala duwan oo ka socotay golayaasha dowlada Canada sida wasiiro iyo xildhibaanada labada aqal ee qaabilsan arimaha Africa iyo hormarinta caalamiga ah” ayuu yiri Wasiir Maxamed.

Mas’uuliyiinta wasiirku la kulmay waxaa ka mid ah Afhayeenka Baarlamaanka Canada Greg Fergus

Kulamadaan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Canada iyo qurba joogta ku nool wadankaans sidii ay qeyb libaax leh uga qaadan lahaayeen arrimaha horutabinta u leh Soomaaliya.

Wafdiga Wasiirka waxaa qeyb ka ah Wasiirka qorsheynta Galmudug Axmed Cali Cantoobo Aamino Axmed Samatar oo ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo yaasiin Maxamed Cibaar agaasimaha Bangiyada gaarka loo leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here