Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka qayb-galay shirweyne caalami ah

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Owqaafta XFS Mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa Magaalada Makka Al-Mukarama ee dalka Sacuudiga uga qeyb galay Shirkii 9-aad ee Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimmaha Diinta ee dunida Islaamka.

 

Shirkan ayaa looga hadlay sida ay isku kaashan karaan Caalamka Islaamka ayna iskaga taageeri lahaayeen la dagaallanka Khawaarijta iyo fikirka gaalaysiinta dadka Islaamka ah.

”Boqortooyada Sacuudiga waan ugu mahad celinayaa ciddii soo qabanqaabisay shirkan aadka u qiimaha badan oo innoo soo aggaasintay, qodobbada kasoo baxayna waxaan rajaynayaa in ay noqdaan kuwo dhaqan gala”.

Wasiir Rooboow ayaa sheegay in fikirka xagjirka ah uu yahay midka ay takfiiriyiinta ka faa’iideystaan oo ay mujtamaca Islaamka dhiiggooda ku banneystaan, wuxuuna ku baaqay in si wada jir ah looga hortaga lagana dhiidhiyo, iaydoo isha lagu haynayo dhaqdhaqaaqyadooda.

” Si looga hortago fikirka xagjirka waxaa lagama maaarmaan ah in ay is kaashadaan dhammaan Wasaaradaha Awqaafta iyo arrimaha Islaamka, Indhahana ku yahaan dhaqdhaqaaqyada socda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here