Roobow oo ka hadlay arrimaha Xajka kana jawaabay eedeymo loo jeediyay

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mukhtaar Roobow Cali, ayaa kulan la qaatay madaxda u adeegayso xujayda Soomaaliyeed.

 

Wasiirka ayaa ku ammaanay madaxda shirkadaha xambaara xujayda iyo Guddiga madaxda ka ah u adeegida xujayda Soomaaliyeed,Muddad labada sannada ah oo sanad hadda lagu jiro shaqadiisa.

“Ilaahay subxaana watacaalaa ayaan ugu mahad celinayaa shaqadaan nagu imtaxaanay naguna asturay, intii aan joogay labadii sano lacagta Xajka inaan wax ka dhinno maahee waxba laguma darin taasna Allaah ayaa ku mahadsan”. ayuu yiri wasiirku

Dhinaca kale Roobow ayaa ka jawaabay eedeymo loo jeediyay oo ku saabsan inuu dhacay lacago 10 milyan oo dollar, wuxuuna tilmaamay arrintaasi aynan waxbka ka jirin, isla markaana ay si wanaagsan u socoto shaqada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Dhankooda Xujeyda Soomaaliyeed ayaa mahdiyay sida ay u maamulayso Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta arrimaha Xajka, ayaga oo sheegay in loo qabtay adeegyadii ay u baahnaayeen hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here