Wasiirada caafimaadka maamul goboleedyada oo eedeyn u jeediyay wasaaradda caafimaadka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirada Caafimaadka maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo si wadajir ah usoo saaray warsaxaafadeed ayaa eedeymo culus u jeediyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

 

Qoraalka ayaa waxa ay ku sheegeen inay walaac xoogan ka qabaan fashilinta Wasaaraddu ee fulinta mashaariicda horumarinta caafimaadka, gaar ahaan kuwa ku lug leh maalgelinta muhiimka ah iyo wada-shaqeynta hay’adaha caalamiga ah.

Sidoo kale waxay ku eedeeyeen wasaaradda caafimaadka Soomaaliya qodobadan soo socda:-

1- In wasaaradda caafimaadka heer federaal ay hey’adaha ku amartay in aysan la shaqey karin wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

2- In Mashruuca Damal Caafimaad oo Bangiga Adduunka uu maalgelinayo, qeybtiisa wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada ay wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka caqabad ku noqotay in laga faa’iideysto, isla markaana ay khasaareyso lacag dhan 25 milyan oo doolar.

3- In Mashuuca COVID-19 aysan waxaba ka dhaqaaqin oo wasaaradda heer federaal ay xayirtay, isla markaana uu ku egyahay 2025 isagoo wax cusbooneysiin ah aan laheyn, taasi oo ka dhigay inay khasaareyso lacag dhan 48 milyan oo doolar.

4- In mashruuca CCU shaqaalihii loogu tala galay isbitaallada caafimaadka aan la qaadan oo muddo sanad ah uu wasaaradda caafimaadka heer federaal u xayiran yahay, mashruucaas ayaa dhacaya Abriil 2025.

Qodobada ay ku xusan yihiin caqabadaha ay wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyadu ku qabaan wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka, waxay gaarayaan 12 qodob oo warqadda aad ka akhrisa kartaan.

Sidoo kale waxay dacwo u gudbiyeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho, iyagoo u sheegay inay wasaaradda caafimaadka heer federaal ay ku heyso caqabado isugu jira kuwo lasoo dhaafay, kuwo hadda taagan iyo kuwo soo wajahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here