Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta ansixiyay Heshiisyo Cusub [Sawirro]

0

Muqdisho Khamiis, 09 Oktoobar 2025 — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay saddex heshiis is-afgarad oo la xiriira waxbarashada iyo cilmi-baarista.

 

Heshiisyadan is-afgarad oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa kala ah:

1. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kuna saabsan waxbarashada.
2. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, oo ku saabsan tacliinta sare.
3. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, kuna saabsan tacliinta sare iyo cilmi-baarista.

Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sidoo kale looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno ku saabsan amniga guud ee Dalka iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

May be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 1 person and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here