MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa si wadajir ah u soo xiray tababar gaar ah oo loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliiska.
Tababarkan oo uu bixiyay howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP) ayaa diiradda saarayay kor u qaadista xirfadaha la xiriira ka hortagga falalka amni-darrada, la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta inta lagu jiro hawlgallada.
Munaasabadda xiritaanka tababarka kadib, masuuliyiintu waxa ay EUCAP kala wareegeen gaadiid iyo agab ciidan oo loogu talagalay taageeridda ciidanka la tababaray, si ay ugu gutaan waajibaadkooda si hufan.
Ciidamada la tababaray ayaa lagu qalabeeyay aqoon casri ah oo ku saleysan shuruucda iyo hab-raacyada booliiska, iyagoo mudnaan siinaya badqabka bulshada Soomaaliyeed iyo sugidda amniga guud ee dalka.










