Wasiirka Amniga Gudaha oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

0

MUQDISHO, 16 Ogoosto 2025 – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee dalka, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo xoojinta iskaashiga dowladda Federaalka iyo AUSSOM ee dhinaca sugidda amniga. Wafdiga ayaa sidoo kale la socday horumarka laga gaaray howlgalada militari ee lagu xoreeyay deegaanno dhowr ah.

Wasiirka Amniga iyo wafdiga Midowga Afrika ayaa isku raacay in muhiim ay tahay in la dardargeliyo howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab, ayna jirto baahi loo qabo taageero joogto ah oo dhanka qalabka, tababarka iyo xog-wadaagga ah.

Ugu dambeyn, Madaxa AUSSOM Danjire Diene ayaa amaanay dadaallada dowladda Soomaaliya ee amniga, isaga oo ku bogaadiyay guulaha la gaaray, gaar ahaan kuwa la xiriira xoreynta deegaanadii ugu dambeeyay ee laga saaray Al-Shabaab.

Wuxuu ballan qaaday in Midowga Afrika uu sii wadi doono garab istaagga Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabad waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here