Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Guddoomiyay Kulan muhiim ah

0

MUQDISHO [SMN] – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta guddoomiyay kulanka joogtada ah ee guddiga howleedka farsamo ee xiriirka arrimaha xasilinta.

 

Kulanka, oo ay martigelisay Wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan agaasimayaasha waaxyaha xiriirka ee wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha xasilinta dalka.

Guddoomiyaha guddiga, Mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye, ayaa kulanka ka hor ka warbixiyay taariikhda, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha Wasaaradda Amniga, xasilloonida iyo waxqabadka guddiga mudadii uu jiray.

Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo ka hadlay kulanka, ayaa bogaadiyay hawlaha guddiga iyo dadaalkooda ku aaddan xasillinta dalka. Waxa uu adkeeyay muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha xasilinta iyo wacyigelinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta.

Ugu dambeyn, Wasiir Fartaag ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan qorshayaal mideysan oo loogu adeegayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, si loo xoojiyo dadaallada xasillinta iyo horumarka dalka.

May be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 11 people, people studying, table and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here