Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Sacuudiga kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha

0

Riyaad – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf.

 

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha amni, iyo horumarinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee labada dal. Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo kordhin lahaa taageerada Sacuudiga ee dib-u-dhiska iyo tayeynta hay’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kulanka ay wehliyeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga doorka muuqda ee ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka. Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah oo u dhexeeya labada dal.

Dhankiisa, Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf ayaa xaqiijiyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

May be an image of one or more people, dais and text

May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here