Wasiirka amniga Koonfur Galbeed oo kulamo ka wada Baraawe + Sawirro

0

BARAAWE (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Xasan Cabdulkadir  Mohamed oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda maamulkaas ayaa kulamo ka wada magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

 

Wasiirka ayaa kula looga hadlayey Xaalada Amniga Degmada la qaatay Saraakiisha Ciidamada Amaanka, Booliska, Nabad-sugida, Xoogga Dalka, Booliska iyo ATMIS.

Sidoo kale waxaa shirkan goobjoog ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose iyo kan Caasimada Baraawe oo iyaguna hadallo ka jeediyay madasha.

Wasiirka Amniga koofur galbeed , Xassan Cabdulkadir ayaa Saraakiisha Ciidanka kula dardaarmay in ay wadashaqeyn wanaagsan ay yeeshaan lana xaqiijiyo amniga Magaalaada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here