Wasiirka amniga maamulka Jubbaland oo ka warbixiyay shir ka dhacay Beledxaawo

0

BELEDXAAWO (SMN) – Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa ka warbixiyey Kulan looga hadlayey amniga deegaanada xuduudka ku yaala ee gobolka Gedo ka oo dhacay degmada Beledxaawo.

 

Kulanka uu shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka jubbaland Maxamuud Saydi Aadan ayaa looga hadlay wada shaqeynta iyo iskaashiga  ciidamada,sugida amniga degaanada katirsan gobolka Gado iyo sidii loo laba jibaari lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab

Sidoo kale waxa shirka looga hadlay dhisida ciidamo cusub oo darawiisha ah kuwaa oo qeyb ka qaadanayo sugidda amniga degaanada hoos tago gobolka Gado.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Jubbaland uu Gedo u magacaabay taliyaha ciidanka Darawiishata si loo tayeeyo ciidana, loona dar-dargaleyo sugida aminga gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here