Wasiirka Amniga oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AAbdullahi Sheikh Ismail – Fartaag ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin, kaas oo ay yeesheen wadahadal miro dhal leh.

 

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray doorka ay IOM ku leeyihiin xasillinta, maareynta socdaalka, iyo dadaallada amniga xuduudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka laamaha amniga iyo cadaaladda ay sare u qaadayso kalsoonida shacabka iyo waliba adeeg bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here