Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Fadhiga 93-aad ee Interpol

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka qaybgalay Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee Interpol, oo sanadkan ka dhacay magaalada Marrakech, Morocco, halkaasoo uu uga hadlay xoojinta iskaashiga amni ee caalamiga ah.

 

Intii uu socday shirkan, Wasiir Fartaag ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Booliska (Interpol), Mudane Axmed Naasir, iyaga oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin la dagaallanka dambiyada abaabulan, ka hortagga argagixisada, is-weydaarsiga xogaha amniga caalamiga ah, iyo tababarrada iyo taageerada farsamo ee hay’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ayaa uga mahadceliyay Interpol doorka ay ku leedahay xoojinta amniga caalamka, isagoo xusay sida Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada iskaashiga amni ee caalamiga ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Interpol Mudane Axmed Naasir ayaa ammaanay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee amniga, wuxuuna ballan qaaday in Interpol ay sii kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee Interpol ayaa ah mid ka mid ah madalaha ugu muhiimsan ee looga arrinsado amniga caalamiga ah, waxaana Soomaaliya ay ku yeelatay kaalin muuqata iyo dood wax-ku-ool ah.

May be an image of ‎one or more people, dais, newsroom and ‎text that says "‎93 INTERPOL GENERAL ASSEMBLY RD 93tME SESSION DE L'ASSEMBLEE GENERALE D'INTERPOL INENTOE WGNERALASEMBLY DENERAL SSEMBUY الإنتربول المامج للجمعية 93 الدورة REUNIÓN DE LA ASAMBLEA GENERAL DE INTERPOL mARPRPEET‎"‎‎May be an image of one or more people, newsroom, dais and textMay be an image of daisMay be an image of dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here