New Delhi – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalam Cali, ayaa ka qeyb galay kulanka xiritaanka Shirka Hindiya iyo Carabta oo socday muddo laba maalmood, kaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Intii lagu jiray kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray ballaarinta fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Hindiya iyo dalalka ka qeyb galay shirka, iyadoo xoogga la saaray hirgelinta tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo helitaanka suuqyada iyo dardargelinta iskaashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay go’aankeeda ku aaddan horumarinta diblomaasiyadda dhaqaalaha, si loo xaqiijiyo natiijooyin la taaban karo, loo abuuro fursado shaqo, loona dhiso iskaashi waara oo muddo dheer ah.





