Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo booqasho ku tagay Somaliland,

0

HARGEYSA, SOOMAALILAND – Sida ay werisay warbaahinta Israa’iil, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Gideon Saar ayaa booqasho ku tagay Somaliland, taasoo timid ku dhowaad laba toddobaad kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu si rasmi ah ugu dhawaaqay aqoonsiga Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

 

 

Go’aankaasi ayaa dhaliyay caro iyo dood caalami ah, iyadoo dalal iyo hay’ado badan ay muujiyeen walaac ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo xasilloonida Geeska Afrika iyo mabda’a midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Ilo diblomaasiyadeed oo la hadlay telefishinka Israa’iil laga leeyahay ee i24NEWS ayaa sheegay in Wasiir Gideon Saar uu inta uu booqashada ku jiro la kulmi doono Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Kulanka la filayo ayaa la sheegay in uu diiradda saari doono xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga siyaasadeed, iyo arrimo amni iyo dhaqaale.

Inkasta oo warbaahinta Israa’iil ay faahfaahin ka bixisay booqashada wasiirka, haddana maamulka Somaliland illaa hadda si rasmi ah uma shaacin warka ku saabsan booqashadaasi, mana jirto war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ama wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u muujisay diidmo adag oo ku aaddan tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland, iyadoo ku tilmaantay mid ku xadgudbeysa madax-bannaanida iyo midnimada dhulka Soomaaliya.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa imaaneysa xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo loollan siyaasadeed iyo mid istiraatiiji ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here