Wasiirka Arrimaha Dibadda: OIC ha qaadato go’aan ka dhan ah xadgudubka Israa’iil ee madaxbannaanida Soomaaliya

0

JEDDAH — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si dhow ula socdaan go’aannada ay qaadanayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kuwaas oo ku saabsan waxa uu ku tilmaamay xadgudubka ay Israa’iil ku sameysey madaxbannaanida Soomaaliya.

 

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay shir degdeg ah oo ay OIC ku yeelatay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya, isagoo adkeeyay in midnimada dalalka Islaamka ay tahay arrin lama taabtaan ah.

“Maanta, Soomaaliya waxay indhaha ku haysaa go’aanka ay qaadanayaan dalalka xubnaha ka ah OIC. Midnimada qaran ee dhammaan dalalka Islaamka waa mid muqaddas ah oo aan la jebin karin,” ayuu yiri Wasiir Cabdisalaam.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Falastiin, Farseen Ajaabikiyaan, ayaa xaqiijiyay in dowladda Falastiin ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Falastiin ay si adag u diidan tahay tallaabooyinka Israa’iil, kuwaas oo uu ku sifeeyay xadgudubyo ka dhan ah midnimada dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

“Dowladda Falastiin waxay si buuxda u taageersan tahay midnimada qaran ee Soomaaliya, waxayna si cad uga hortimid xadgudubyada ay Israa’iil ku sameyneyso midnimada iyo madaxbannaanida dalalka xubnaha ka ah OIC,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here